Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dayactirka Isbitaalka Ceerigaabo

  • 11 Agoosto 2014

Magaalada Hargeysa waxaa lagu qabtay munaasabad ballaaran oo qaaraan gaaraya shan boqol oo kun oo doolar loogu ururiyay guud ahaan adeegyada caafimaadka ee gobolka Sanaag, gaar ahaan cisbitaalka magaalada Ceerigaabo oo dayac badani uu ka muuqdo.

Xaliima Axmed Maxamed waa Agaasimaha Fulinta ee Ururka samofalka qurbajoogta Soomaaliyeed ee SHIFAAT, waxa ay hagaysay xafladda qarash aruurinta, waxa ay u warrantay weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige.