Ardegan oo noqday madaxweynaha Turkiga

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Recep Tayyip Erdogan ayaa horumar dhaqaale ka sameeyay Turkiga.

Madaxweynaha cusub ee Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka bilaabaya shaqadiisa inuu sameeyo Ra'iisalwasaare. Wuxuu horay u sheegay inuu awood wayn siinayo madaxweynaha oo aan awood badan lahaan jirn.

Mr Ardogan, oo ah madaxweynihii ugu horeeyay oo si toos ah ay dadka u doortaan, ayaa sheegay in guushiisa ay tahay mid dadka oo dhan wada leeyihiin, oo aysan ahayn oo kaliya dadka u codeeyay.

Wuxuu ahaa Ra'iisalwasaare saddex goor, waxaana loo diiday inuu mar kale isku sharaxo Ra'iisalwasaare.

Taageerayaashiisa ayaa sheegaya inuu sameeyay isbadal dhaqaale, laakiin dadka dhaleeceeya ayaa ku eedeynaya inuu xukun adag yahay iyo inuu Islaami yahay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan