Galayr oo loo doortay madaxweynaha Khaatumo

Galayr Lahaanshaha sawirka Other
Image caption Cali Khalif Galayr oo loo doortay madaxweynaha Khaatumo

Cali Khalif Galayr, oo hore ra'iisalwasaare uga soo noqday dowladdii KMG ee Soomaaliya, ayaa loo dortay madaxweynah Khaatumo.

Doorashada ayaa ka dhacday degaanka Saax Dheer ee gobolka Sool, waxaana sidoo kale la doortay madaxweyne kuxigeenka maammulka.

Cabdul Cago-lule ayaa loo doortay inuu kuxigeen u noqdo Cali Khalif Galayr.

Khaatumo ayaa labo sano ka hor ku dhawaqday inay ka go'day Somaliland iyo Puntland, oo ku muransan gobollada Sool iyo Sanaag.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan