Obama oo ku baaqey dowlada wadaag ah Ciraaq

Barack Obama Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Obama ayaa soo dhaweeyay magacaabidda ra'iisalwasaaraha cusub ee Ciraaq

Madaxweynaha maraykanka Barack Obama ayaa ku tilmaamay tallaabo horay loo qaaday magacaabida raisalwasaaraha cusub ee Ciraaq.

Madaxweynaha Ciraaq, Fu'aad Macsuum ayaa ku dhawaaqay in Xaydar Al-Cabadi uu noqdo Ra'iisalwasaaraha xiga ee Ciraaq.

Obama ayaa ku baaqey in la dhiso dowlad wadaag ah oo mideyso qowmiyadaha kala duwan ee dalkaas, si looga hortaga ayuu yiri dablayda Islaamiyiinta ah ee dhulka ballaaran qabsatay.

Magacaabidda Xaydar Al-Cabaadi, waxaa ku gacanseyray Ra'iisalwasaaraha haatan ee Ciraaq, Nuri al-Maliki.

Al-Maliki ayaa sheegay in magacaabiddaas ay xadgudub ku tahay dastuurka dalkaasi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan