Xabbad joojinta Qaza oo 5 maalmood lagu daray

Qaza Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xabbad joojin shan maalmood oo dheeri ah ayaa laga gaaray Qaza

Israa'il iyo wakiilada matalaya kooxaha Falastiiniyiinta ee ku shiraya Qaahira ayaa ku heshiiyey shan maalmood oo kale oo xabbad joojin ah oo laga dhaqan geliyo Qaza.

Go'aankaasi ayaa waxa uu soo baxay hal saac ka hor inta aanu dhamaan xabbad-joojintii hore ee seddxeda maalmood socotay, waxaana labada dhinac u kala dab qaadaya Masar.

Madaxa ergeda Falastiiniyiinta Cazam Al-Axmed ayaa sheegay in kooxdiisa ay haatan la tashaneyso madaxweynaha maammulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas.

Dhinaca kale Israa'il ayaa oggalaatay inay kordhiso xabbad joojinta Qaza.

Mar uu la hadlayey BBC-da ayaa wasiirka sirdoonka ee Israa'il, Yuval Steinitz, waxa uu sheegay in Israa'il aysan dani ugu jirin dagaal.

Hase yeeshee iyadoo lagu dhawaaqay xabbad joojintaasi cusub ayaa Israa'il waxay weerarro ku qaadday bartilmaameedyo ku yaalla Qaza, iyadoo sheegtay inay ka jawaabeyso gantaallo looga soo riday Qaza.

Xamaas ayaa beeneysay inay ka danbeeysay gantaaladaasi la riday.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan