Dad Yazidi ah oo lagu laayay Ciraaq

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Yazidi yiinta oo ka barakacaya waqooyiga dalka Ciraaq

Waxaa soobaxaya warar sheegaya in kooxda Daacish ay 80 rag ah oo Yazidi ah ay dileen, kadibna ay kaxaysteen caruurta iyo haweenka.

Xubin sare oo ka tirsan maamulka Kurdiyiinta Hoshyar Zebari ayaa tilmaamay in ragga loo dilay laba koox ahaan, ayna falkaasi fuliyeen kooxda ISIS ku duulay deegaanka Kawju, maalintii jimcaha.

Weerarkaasi kaddib diyaaradaha drones ka ee Mareykanka waxa ay burburiyeen laba gaari oo kamid ahayd kolonyo gaadiid ah, meel ku dhow deegaan Sinjar.

Dagaal yahaniinta weerarka qaaday ayaa la sheegayaa in raggaasi ay u sheegeen inay diinta Islaamka soo galaan ama la dilayo.

Arrintan ayaa argagax ku noqotay beesha caalamka, gaar ahaan kooxda ay dilayaan dadka aan ahayn Muslimiinta Sunniyiinta ah.

Mr Zebari, oo mar noqday wasiirka arrimaha dibadda ee Ciraaq ayaa xaqiijiyay weerarka kaddib markii ay ku wargeliyeen kooxaha u ololeeya dadka Yazidi-ga ee kusugan magaalada Washington.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa gargaar gaarsiinaya Yazidi yiinta.

Weerarka dil ka ah ayaa socday muddo saacad ah sida uu shegay xildhibaan Yazidi ah, oo lahadlay qaar kamid ah dadkii badbaaday.

Waxa uu BBC-da u sheegay in diyaaradaha Mareykanka ay duqeeyeen gawaari ku sugneyd meel ku dhow deegaanka Salxiya.

Qaar kamid ah dadka deegaanka weerarka uu ka dhacay waxay sheegayaan in wararka ay ka heleen mid kamid ah dagaal yahaniinta Daacish oo halkaasi ka soo jeeda, kaddibna ay u suurta gashay inay baxsadaan.

Militariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay duqeyntaasi ay geysteen diyaaradaha duuliya la’aanta ah, kuwaas oo ay sheegeen inay gubeen gawaari ay lahaayeen kooxda Sunniyiinta ah ee Daacish, oo ku sugnaa meel ku dhow Sinjar.

Duqeynta ayaa dhacday kaddib markii Kurdiyiinta ay ku wargeliyeen in kooxda ISIS ay weerar ku tahay halkaasi, sida ay Militariga Mareykanka sheegayaan.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Mareykanka ayaa duqeynaya meelaha ay ku sugan yihiin Daacish

Wasiirka arrimaha dibadda ee Garmailka Frank-Walter ayaa gaaray magaalada Baqdaad, halkaas oo uu kula kulmay dhigiisa dalka Ciraaq Xuseen Al-Shaxristani.

Mr Frank-Walter ayaa sheegay inay 32 milyan oo dollar siinayaan dalkaasi taas oo loogu talagalay arrimaha gargaarka.

Markii ay diyaaradaha Mareykanka ay bilaabeen weerarka isbuuc ka hor, madaxweyne Oboma ayaa sheegay inay tallaabadaan tahay mid looga hortagayo xasuuq ka dhaca waqooyiga Ciraaq.

Maamulkiisa ayaa wajahaya su’aalo aad u adag oo ah sida ay u joojin karaan dagaalka sii fidaya, iyadoo madaxweyne Obama uu horey u sheegay inuusan jirin xal ay keeni karaan militariga Ciraaq.