Kurdiska oo qabsaday biyo xireenka Mosul

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Kurdiska.

Ciidamada Kurdiska ee waqooyiga Ciraaq ayaa qabsaday biyo xireenka ugu wayn ee Ciraaq kadib markii ay qabsadeen maleeshiyada IS.

Ciidamada dhulka oo ay caawinayaan diyaaradaha Maraykanka ayaa weer ku qaaday biyo xireenka Mosul subaxnimadii.

Biyo xireenka oo istaatiijik ah, oo korontada iyo biyaha siiya waqooyiga Ciraaq ayaa waxaa qabsaday maleeshiyada IS toddobadii August.

IS ayaa qabsatay meelo badan Ciraaq iyo Suuriya bilihii la soo dhaafay.

Maraykanka ayaa sheegay inuu burburiyay sagaal iyo toban gaari oo ay lahaayeen mintidiinta iyo jid gooyayaal weerarka ay biyo xereenka ku qaadeen maanta.

Hoshyar Zebari, oo ilaa bishii hore ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Ciraaq, ayaa BBC u sheegay in ciidamada ay la kulmeen dagal culus weerarka biyo xireenka.

Kumanaan qof oo Kiristaan iyo Yazidis ayaa ka qaxay guryahooda markii IS ay qabsadeen meelo badan.