Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Odayaasha Muqdisho: 30 ayaa dhimatay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa qaaday howlgalka dadka badan ay ku dhinteen.

Odoyaasha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa maanta cabasho u jeediyay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ka cabanayaan khasaare xoog leh oo ay sheegeen in shacabka ay ka soo gaareen howlgallo ay ciidamada amniga iyo kuwa AMISOM ka fuliyeen dhawaan degmada Wadajir.

Waxa odoyaashu ay sheegeen in 30 ruux ay ku dhinteen 40 kalana ay ku dhaawacmeen howlgalkii labo maalmood kahor ka dhacay degmadaooda.

Xildhibaannada kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in ay cambaareynayaan sida ay ciidamada Amnigu u maareeyeen howlgal ay ka fuliyeen degmada Wadajir. Waxay sheegeen in aan la aqbali karin khasaare intaa la' eg oo dad shacab ah soo gaaray.

Warbxinta waxaa Muqdisho ka soo diray Maxamed Ibraahim Mocalimo.