Britain oo taageeraysa Kurdishka

  • 18 Agoosto 2014
Ciidanka Kurdiyiinta ayaa qabsaday biyo xireenka Mosul.

Britain ayaa sheegtay in la kordhin doono howlgalka Ciraaq si ka badan gargaar bini'aadanimo.

Xoghayaha gaashaandhiga ee Britian Michael Fallon ayaa sheegay in howlgalka uu socon doono bilo, waxaana hadda hadda laga qaadayaa hub yaala waddan kale oo loo gaynayo dagaalyahanada Kurdiska.

Mr Fallon ayaa sidoo kale dhahayin diyaaradaha dagaalka ee Britishka ay kor duulayaan Ciraaq, si ay u soo uruuriyaan sirta mintidiinta.

Laakiin waraysi uu siiyay BBC, Ra'iisalwasaaraha David Cameron, ayaa sheegay Briain inaysan dagaalka kale oo Ciraaq ka qayb galeen.

Ciidamada Kurdiska ee waqooyiga Ciraaq ayaa qabsaday biyo xireenka ugu wayn ee Ciraaq kadib markii ay qabsadeen maleeshiyada IS.

Ciidamada dhulka oo ay caawinayaan diyaaradaha Maraykanka ayaa weerar ku qaaday biyo xireenka Mosul subaxnimadii shalay.

Biyo xireenka oo istaatiijik ah, oo korontada iyo biyaha siiya waqooyiga Ciraaq ayaa waxaa qabsaday maleeshiyada IS toddobadii August.

IS ayaa qabsatay meelo badan Ciraaq iyo Suuriya bilihii la soo dhaafay.