Isra'iil oo cirka ka duqeysay Qaza

Qaza Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Isra'iil ayaa sheegtay inay duqeysay Marinka Qaza

Isra'iil ayaa weerar dhanka cirka ah u gaysatay Qaza kaddib markii ay sheegtay in saddex gantaal oo laga soo riday Qaza ay ku dhaceen dhulkeeda.

Rai'salwasaaraha Isra'iil , Benjamin Netanyahu, ayaa amray in ciidamada ay weeraraan bartilmaameedyada Qaza kaddib markii la sheegay in logu soo tuuray sedex gantaal gudaha Israa'il.

Weerarkan ayaa xadgudub ku ah xabbad joojintii muddadeeda la kordhiyay ee Qaza.

Lama sheegin wax dhawac ah oo ka dhashay weerarrada labada dhinac.

Gelinkii danbe ee Isniintii ayaa Falastiiniyiinta iyo Israa'il waxay ku heshiiyeen in 24 saacadood lagu kordhiyo shantii maalmood ee xabbad joojinta ahayd.

Dhedhexaadiyayaasha reer Masar ee Qaahira jooga ayaa sheegay in ay sii soconayaan wadahadallada lagu diyaarinayo heshiis muddo dheer socon doono.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan