US oo lahaysteyaal soo dayn wayday

Image caption Weriyihii Maraykanka ahaa ee ay dileen Khilaafada Islaamka

Millitariga hawlaha qarsoodiga ah fuliya ee Maraykanka ayaa sheegay in ay dhawaan isku dayeen in ay soo badbaadiyaan la'haysteyaal Maraykan ah oo lagu haysto Suuriya, balse ay ku guul daraysteen. Arintaas waxaa shaaciyay wasaaradda difaaca ee Maraykanka.

Ma ay san sheegin in Ciidammada Maraykanku, ay sidoo kale isku dayeen in ay soo badbaadiyaan wariyaha Maraykanka ah ee James Foley.

Khaliifada Islaamiga ah ayaa talaadadii soo saaray Muuqaal muujinaya wariyahaas oo madaxa laga jarayo.

Khaliifada Islaamiga ah waxa ay sheegtay in dilka Foley uu ahaa aargusasho ay Maraykanka uga aargudanayaan weerarada uu ku qaaday dagaal-yahanadooda Ciraaq.

Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa dilkaasi cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay arin adduunka oo dhan ka yaabisay.