US: Khilaafada Islaamiga ah oo halis nagu ah

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption dagaalyahanka Dawladda Islaamiga ah.

Wadanka Maraykanku ayaa sheegay in ururka Khilaafada islaamiga ah isku magacaabay uu yahay halista ugu wayn ee ku soo wajahan Maraykanka, ayna tahay in laga cirib tiro Suuriya iyo Ciraaq.

Xukuumadda Washington waxa ay sheegtay in weeraradii xaga cirka ee ay Maraykanku ay ku qadeen ururkaasi in ay keentay in la wiiqo awoodiisii, balse loo baahan yahay in qaybta dhiman ay dhamaystiraan wadamada dariska ah oo is xulafaysanaya.