Ivory Coast oo xadkeeda xiratay

  • 23 Agoosto 2014

Ivory Coast ayaa xirtay xadadka dhulka ah ay la leedahay dalalka Liberia iyo Guinea si ay uga hortagto faafidda cudurka dilaaga ee Ebola.

Dowladda ayaa sheegtay inay uga jawaabeysay faafidda cudurka Ebola ee ka sii socota dalalka dariska la ah.

Waa dalkii ugu dambeeyay qaaradda Africa ee adkeeya xanibaadda safarka iyadoo ay jirto digniin ka timid hey'adda caafimaadka adduunka ee WHO oo ka digeysay adkeyntan inay sare u qaadeyso cuno yari ka dhacday dalalka uu saameeyay cudurka.

In ka badan kun iyo saddax boqol (1300) ayaa cudurka Ebola ugu geeriyooday dalalka Liberia, Guinea iyo Sierra Leone, waxaana jirtay shan dhimasho ah oo ka dhacday Nigeria.