Reer Galbeedka oo Ruushka cambaareeyay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption kolonyada Ruushku u diray bariga Ukraine

Wadammada heer galbeedku waxa ay si caro leh u cambaareeyeen, kolanyada baabuurta ah ee gargaarka wada ee Ruushka ee amar la'aanta galay dhulka ay Jabhadduhu maamulaan ee bariga Ukraine.

Waddanka Maraykanka iyo Germanka ayaa shegay in ay arintaasi tahay mid halis ah oo xaaladda sii hurinaysa.

Mar sii horaysay ururka NATO, ayaa sheegay in Ruushku uu xadka ka gudbiyay hub culus.

Xukuumada Mosco waxa ay sheegtay in kolonyadaasi ay wado jananeetaro, dawooyin, biyo iyo cunto.