Ra'sal wasaaraha Israa'iil oo hanjabay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Rai'sal wasaaraha Israa'iil Netanyahu

Rai'sal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, waxa uu sheegay in ururka xamaas ay dhibaato wayn ka soo gaari doonto, dilka wiilyar oo Israa'iili ah oo ku geeriyooday gantaal laga soo riday Qaza.

Wiilkaasi waxa uu noqonayaa qofkii afraad ee shacab ah ee kaga geeriyooda Israa'iil dagaalkan hadda socda.

Saddex Falastiiniyiin ah ayaa ku geeriyootay xalad weerar ay Israa'iil qaday waxaana ku dhaawacmay 10 kale.