Dad lagu laayey Ciraaq

Saraakiisha ammaanka ee dalka Ciraaq ayaa sheegay in ugu yaraan 40 ruux lagu dilay masaajid ay Sunniyiinta leeyihiin.

Weerarkan ayaa ka dhacay gobolka Diyala ee bariga dalka Ciraaq.

Doblay hubaysan ayaa la sheegayaa inay rasaas ku fureen Sunniyiinta xilli ay ku jireen Salaadda Jimcaha.

Ilaa haatan ma caddo cidda ka dambeysay weerarkaas.

Ciidammada dowladda Ciraaq iyo dagaalyahannada Khilaafada Islaamiga ayaa halkaas ku dagaallamayay.

Weriyaha BBC-da ee Baghdad waxaa uu sheegayaa in aysan caddeyn cidda ka taliso magaaladaas.

Madaxweynaha maraykanka Barack Obama ayaa ku tilmaamay talaabo horay loo qaaday magacaabida raisalwasaaraha cusub ee Ciraaq taasi oo uu sameeyey madaxweynaha dalkaasi Ciraaq.

Obama ayaa raiisalwasaaraha la magacaabay waxa uu ugu baaqay in si dhaqsa ah uu u dhiso dowlad loo wada dhanyahay oo mideysa qomiyadaha kala gedisan ee Ciraaq.

Hasayeeshe waxa magacaabistaasi ku gacanseeray Nouri al-Maliki oo ah raisal wasaaraha xilka laga qaadayo, oo sheegay in ay xadgudub ku tahay dastuurka dalkaasi.

***Obama ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in maraykanka uu ku guulaystay weeraro cirka ah oo bartimaamayd lahaa kuwaas oo uu ku taageerayey dagaalyahanada kurdishka ah ee waqooyiga Ciraaq, isla markaasiina gacan lagu siinayey kumanaanka kun ee shacabka ee ku cararay buuraha.