Cudurka Ebola oo lagu arkay dalka Koongo

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Dhakhtar ka baaraya cudurka Ebola dhiig loo keenay

Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, Felix Numbi, ayaa BBCda u sheegay in baaritaano caafimaad oo la sameeyay lagu xaqiijiyay in laba qof ay ugu dhinteen caabuqa Ebola Waqooyi Galbeed ee dalka.

Waxa uu wasiirku sheegay in uu socdo baaritaano dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo in cudurkan uu la mid yahay midka dadka ku laayay Galbeedka Afrika.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in caabuqa aanu u muuqan mid dibadda ka yimid, iyadoo dadka uu cudurkan ku dhacay aanay ka tegin tuulada ku taal gobolka Equateur, sidoo kalana aanay la kulmin qof bannaanka kaga yimid tuuladaasi.

Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in mid ka mid ah labada qof ee dhimatay uu soo dabtay duurjoog.

Ugaarashada ayaa la ogaaday inay qeyb muhiim ah ka tahay fiditaanka cudurka Ebola.

Mr Numbi, ayaa BBCda u sheegay in la karantiili doono deegaan dhan 100 km oo isku wareeg ah, oo ah deegaanka uu cudurkan saameeyay, halkaasi oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 35 kun oo qof.

Waa markii todobaad oo cudurka Ebola lagu arko Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, halkaas oo kiiskii ugu horreeyay ee caabuqan la diiwaan galiyay 1970-meeyadii.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan