ISIS oo qabsatay saldhig Raqa

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Taageerayasha ISIS.

kooxda ISIS ee islaamiga ayaa lagu soo waramayaa in ay qabsadeen saldhigii ugu danbeeyey ee ciidamada cirka ee dalka Suuriya ee ku yaaley gobolka Raqqa ee waqooyiga dalka.

Guddida eega xaaladaha xuquuqda aadamiga ee dalka Suuriya oo saldhigooduna yahey UK, ayaa sheegey in dagaalyahanadu ay si buuxda gacanta ugu hayaan garoonka Tabqa, tobanaan askarina ay dileen.

Wakaaladda wararka ee Suuriya (SANA) ayaa xaqiijisey in la lumiyey saldhiga cirka laakin askartii ay si guul leh dib isu habeynayaan. Kooxda xuquuqda aadamiga ee Suuriya ayaa waxaa kale oo ay sheegeen in TVga qaranka ee Suuriya uu sheegey in ciidamada dowladdu ay si gabasho ku dileen in ka badan 30 mucaarad ah ee gobolka Daraa.