Ciidamada Nigeria oo galay Cameroon

Image caption Kooxda Boko Xaraam

Wararka ka imaanaya waqooyi bari Nigeria ayaa sheegaya in kooxda Boko Haram ay ku qaadeen weerar weyn magaalada Gambora Ngala, halkaasi oo ay ku xasuuqeen in ka badan 300 oo rayid ah bishii May ee la soo dhaafay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal daran uu ka dacay agagaarka saldhigga boliiska iyo saldhig Militery, kumanaan dad ah ayaa u cararay xadka Cameroon.

Afhayeenka milatariga Cameroon ayaa sheegay in ku dhawaad shan boqol oo ciidanka Nigeria ay ka gudbeen xuduuda, hubkiina laga dhigay

Ciidanka Cameroon ayaa sheegay in askarta ay kala carareen kadib markii ay kula dagaalameen Boko Xaram magaalada Banki

Weerarka ayaa yimid maalin kaddib markii Boko Haram ay kaga dhawaaqeen Khilaafo Islami dhulka ay maamulaan ee waqooyi bari Nigeria.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan