Dowladda oo qabsatay Tiyeeglow

  • 25 Agoosto 2014
Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidamada dowladda iyo Amisom ayaa ka saaraya Alshabaab meelaha ay ku hareen.

Wararka ka imaanaya Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dawladda iyo kuwa Midowga Africa ay ka qabsadeen Alshabaab magalada Tiyeeglow ee gobolka Bakool Alshabaab.

Wali ma cadda khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac ee magaalada ku dagaalamay, hase ahaatee dadka magaalada degani waxay sheegeen in ay ciidamada is-bahaystay ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ay la wareegeen magaalada.

Waxaa kale oo dadka magaalada degani ay sheegeen in ay dad badan ay ka qaxeen magaalada.