Baarlamaankii Ukraine oo la kala diray

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxwaynaha Ukraine

Madaxwaynaha Ukraine Petro Poroshenko, ayaa kala diray baarlamaankii wuxuu na ku baaqay doorasho wakhtigeedii laga soo hormariyay iyada oo ciidammadiisu ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan dagaalyahanada gooni u goosadka ah.

Poroshenko wuxuu sheegay in baarlamaan cusub uu muhiim u yahay si meesha loo ga saro xubnaha hortaagan isbadalada.

Saraakiisha ammaanka ee Ukraine waxa ay sheegeen in ciidammadoodu ay qabteen toban qof oo ka mid ah ciidammada Ruushka ayna ku qabteen bariga Ukraine.

Xukuumadda Ruushka ayaa sheegtay in aysan ku luglahayn dagaalka ka socda Ukraine.