Putin iyo Proshenko oo kulmay

Lahaanshaha sawirka n
Image caption Madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukraine.

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukraine ayaa yeeshay kulankoodii ugu horeeyay ee toos ah, waxaana ay kulankooda ka dhacay caasimada dalka Belarus ee Minisk, kaga wada hadleen colaadda ka taagan Bariga Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko oo hadal jeediyay kulanka kaddib ayaa sheegay in hannaan lagu gaarayo xabbad joojin dhawaan la hirgalin doono.

Madaxweyne Putinka Ruushka ayaa sheegay in dalkiisa uu gacan ka geysan karo dhex dhexaadinta dowladda Kiev iyo xoogagga gooni u goosadka ah:

Mr Putin ayaa intaa ku daray in heshiis xabbad joojin ah oo la gaaro uu yahay arrin u taalla dowladda Ukraine.

Dagaalka ka socda Bariga Ukraine ayaa lagu eedeeyay in xukuumadda Moscow ay hurineyso.