UN: Xadgudubyo ayaa laga gaystay Suuriya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Rayid ku dhibaateysan Suuriya

Baarayaasha Qaramada Midoobay, ayaa soo saaray faafaahin la xiriirta wax ay ku tilmaameen in Ururka Daacish uu gaboodfallo ka geysanayo dhulka ay gacanta ku hayso ee dalka Suuriya.

Warbixintan ugu dnabeysay ee hay'adda Qaramada Midoobay ugu qeybsan Xuquuda Adanaha, ayaa waxay ku saleysan tahay wareysiyo iyo marqaatikacyo ay dadka ka ururiyeen muddo lix bilood ah.

Waxayna warbixintu ka hadashay in dad ay mid yihiin carruur lagu qasbo in ay daawadaan dad ay ku dilayaan fagaareyaal iyo in markaa kadib dadka la dilay meydkooda la suro tiirar oo lagu daayo muddo dhowr maalmood ah.

Waxay sidoo kale Qaramada Midoobay sheegeysaa in ciidamada xukuumadda Suuriya bambooyin iyo gaaska chroline-ka, ay ka soo rideen dayuurad helikobter ah, duqeeyeena isbitaaladda. Ciidamadu waxay kale u geystaan jir dil iyo dilba dad rayid ah.

Baarayaasha Qaramadda Midoobay, ayaa ka digaya in ay jirto khatar ah in colaadda oo mar hore saameyn ku yeelatay dalka Ciraaq, in ay ku fidi karto gobolka oo dhan.