Xiisad weyn oo ka taagan Saax Dheer

Ciidanka Somaliland
Image caption Saax Dheer ayaa dhawaan lagu doortay madaxweynaha cusub ee Khaatumo

Xiisad weyn ayaa ka taagan Saax Dheer kaddib markii Somaliland ay weerar ku qaadday, iyadoo Khaatumo beenisay in la qabsaday.

Waxaa la filayay in Saax Dheer maanta lagu caleemo saaro Cali Khalif Galayr, oo dhawaan loo dortay madaxweynaha Khaatumo.

Taliyaha guud ee ciidanka milateriga Somaliland sareeye gaas Ismaaciil Shaqalle ayaa horey BBC ugu sheegay in saakay hawlgal ay sameeyeen ciidamadiisu ay kula wareegeen tuulada Saax-Dheer iyo hareeraheedaba.

Balse xildhibaan Ibraahim Guure, oo ka tirsan Khaatumo, oo sheegay inuu ku sugan yahay Saax Dheer, ayaa beeniyay warkaas.

Magaalada ayaa lagu waday in maanta lagu caleemo saaro madaxweynaha cusub ee khaatuomo ee dhawaan la doortay, Dr Cali Khaliif Galayr.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xildhibaan Ibraahim Guure waxaa uu sheegay in Cali Khalif uusan joogin oo uu u baxay safar gaaban.

Saax Dheer ayaa 70km dhinaca koonfur galbeed ka xigta magaalada Laascaanood .

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan