Dagaalo dib uga soo cusboonaaday Ukraine

Lahaanshaha sawirka AFP Getty
Image caption Kullankii Madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukraine

Xukuumada Ukraine ayaa ku eedeysay Ruushka,in uu dagaal cusub oo Milatari ah uu ku qaaday xuduudda uu kala wadaago dalkaasi dhinaca barri.

Dagaal xooggan ayaa laga soo sheegayaa in ay ka dhacayeen koonfurta barri ee dalka Ukrain.

Xoogaga u janjeero Ruushka, ayaa la sheegayaa in ay qabsadeen magaalo ku taala xeebta oo la yiraahdo Novoazovsk, waloow Ukrain ay ku adkeysaneyso in ay gacanta ku heyso magaaladaasi.

Vidio laga soo duubay dagaalka ayaa waxa uu muujinayaa in ay jiraan dhowr tikniko oo ah kuwa dagaalka oo ay adeegsadeen falaagada.

Dagaaladu waxa ay sidoo kale ka sii soconayaan waqooyiga caasimadaha magaalooyinka Donetsk iyo Luhansk.