Obama: Ruushka ayaa leh eedda Ukarine

Ukraine Lahaanshaha sawirka n
Image caption Kooxo gooni u goosad ah ayaa la dagaallamaya dowladda Ukraine

Madaxweynaha maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in Ruushka uu masuul ka yahay dagaalada ka soconaya bariga Ukraine.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtay aqalka cad ayuu mr Obama waxa uu ku sheegay in Ruushka uu tababarayo kooxda gooni u goosatadka ah isla markaasna uu siinayo hub iyo dhaqaale.

Waxa uu sheegay in dagaalka ka socda dalka Ukraine aanu ahayn kacdoon gudaha ah, balse uu si qotadheer Ruushku faraha ugula jiro.

Dhinaca kale Gaashaan buurta Nato aya waxay sheegtay in ku dhowaad kun ciidanka Ruushka ah ay ku jiraan gudaha ukraine.

Gollaha ammaanka ee QM ayaa sidoo kale ka shirayo mushkilada ka taagan dalkaasi Ukraine.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan