Baaq ah in ciidammada laga saaro Saax Dheer

galayr
Image caption Cali Khalif Galayr ayaa dhawaan loo doortay madaxweynaha Khaatumo

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa sheegay inay ka walwalsan yihiin xaaladda tuulada Saax Dheer.

War saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen saddexda ergay ee UN, EU iyo Maraykanka ayaa waxay ku baaqeen in ciidammada hubaysan laga saaro halkaas.

Somaliland ayaa maalin ka hor sheegtay in ciidammadeeda ay qabsadeen Saax Dheer, oo la filayay in lagu qabto xaflad lagu caleemi saari lahaa madaxweynaha Khaatumo.

Cali Khaliif Galayr ayaa dhawaan loo doortay madaxweynaha Khaatumo.

Xildhibaan Ibraahim Guure oo ka tirsan Khaatumo ayaa beeniyay qabsashada Saax Dheer ee Somaliland sheegtay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan