Ukraine oo codsatay in ay NATO ku biirto

ciidamada Ukriane oo ku sugan bariga Ukriane Lahaanshaha sawirka Reuters

Xoghayaha guud ee gaashaandhigga NATO, Anders Fogh Rasmussen, ayaa sheegey in isbaheysigoodu ay si buuxda u xushmeyn doonaan codsiga in Ukraine ay ku biirtu NATO hadii ay rabaan.

Waxa uu hadley wax yar ka dib markii raiisal wasaaraha Ukraine uu sheegey in dowladdiisu ay ka codsan doonta baarlamaanka in ay xubin ka noqdaan gaashaanbuurta NATO.

Rasmussen waxa uu sheegey in Ruushku uu xadgudub qaawan ku hayo qarannimda Ukraine.

Wasiirka arimaha dibadda ee Jarmalka ayaa sheegey in xaaaladda Ukraine ay faraha ka sii baxeyso.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan