Feejignaanta Britain oo sare loo qaaday

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ra'iisul wasaaraha Britain, David Cameron

Dowladda Britain ayaa sheegaysa in dagaallada ka socda dalalka Suuriya iyo Ciraaq ay sare u qaadeen khatarta uu dalkeeda ugu jiro weerar lagu qaado.

Waxaa sare loo qaaday heerka suuragalnimada ee in uu weerar ka dhaco gudaha Britain, taasoo muujineysa cabsida dowladda.

Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa sheegay in kooxda la magac baxday khilaafada Islaamiga ah ay ammaanka Britain kaga khatar badan tahay dhammaan ururada kale ee adduunka ka jira.

Ma aanu sheegin ra’iisul wasaaraha waxa ay tahay khatarta gaarka ah ee hadda u muuqata, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay si caadi ah u wataan hawl maalmeedkooda.

Mr Cameron ayaa ballan qaaday in la sameyn doono sharci xakameeya dadka Britishka ah ee u dagaallama kooxaha dibeda ka jira, isla markaana laga qaadi doono baasaboorada.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan