Thabane oo Lesotho isaga baxay.

ciidamo Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidamada Lesotho

Ra'iisul wasaaraha boqortoyada koonfurta Africa ee Lesotho, Tom Thabane, ayaa BBC-da u sheegay inuu dalka isaga baxay kaddib markii uu helay hanjabaado naftiisa qatar ku ah.

Isagoo ka hadlayay South Africa, ayuu ra'iisul wasaare Thabane sheegay in dhaq dhaqaaqa cidamada ay sababeen karti-darada dowlada iyo Afgambi.

Warar hore oo ka soo baxay magaalada caasimadda ee Maseru, ayaa sheegay in Militery-ga ay hareereeyeen xarrumaha Police-ka.

Saldhigyada Raadiyayaasha iyo xiriirka teleefoonada oo ciriiri galay ayaa haatan shaqeynaya.

Wariyaha BBC-da ee Johannesburg ayaa sheegaya in xaaladda ay haatan deggan tahay kaddib markii ay beeneeyeen ciidamada inuu jiray isku day afgambi.