Shabaab oo laga qabsaday Buulomareer

AMISOM Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday howlgal cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidammada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa duulaan ku qaaday gobalka Shabeellaha hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr maalmood ka hor ku dhawaaqday howlgal cusub oo la sheegay in Al-Shabaab looga saari doona dalka oo dhan.

Ciidammada huwanta ah ayaa lagu soo warramayaa in ay duulaanka ka qaadeen dhinac xeebta iyo dhinaca wadada laamiga ah.

Gudoomiyaha Shabeellaha hoose ayaa BBC-da u sheegay in bartilmaameedkooda uu ahaa magaalooyinka Buula mareer iyo Baraawe.

Wararka ayaa sheegaya in barakac xooggan uu ka socdo magaalada Baraawe.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Halkan ka dhagayso warbixinta weriyaha BBC-da Maxamed Ibraahim Mucalimu

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan