Ururka Khilaafada Islaamiga oo magaalo laga saaray

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dagaal yahan Kurdish ah oo ka dagaallamaya Amerli

Ciidamo isku dhaf ah oo kawada tirsan, dowladda Ciraaq,, maleeshiyaadka Shiicada iyo dagaal yahaniinta Kurdiyiinta ayaa xoog ku galay magaalada go’doon saneyd ee Amerli.

Magaaladaasi waxaa go’doomiyay dagaal yahaniinta dowladda Islaamiga ah, halkaasi oo ay ku nool yihiin Kurdiyiin Shiica ah, waxeyna xayirneyd ku dhowaad laba bil.

Intii ay Dagaal yahaniinta Sunniyiinta ku hareereysanaayeen halkaasi, waxaa gargaar diyaarado ku geynayay Mareykanka iyo ciidamada Ciraaq.

Mareyikanka, waxa ay halkaasi ku qaaday weeraro diyaarado ay u adeegsatay oo ay la eeganayeen gawaarida dagaal yahaniinta Khilaafada Islaamiga.

Ra’iisul wasaaraha Australia, Tony Abbott, ayaa kol hore sheegay in dowladdiisa ay aqbashay dalab kaga imaaday maamulka Obama ee ahaa inay ku biiraan Mareykanka, Britain, Canada, Faransiiska, iyo Taliyaaniga, si loo hubeeyo malleeshiyada Kurdiyiinta ee peshmerga, ee ka dagaallameysa waqooyiga Ciraaq.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan