Dowladda: Waxaan dilnay 7 Al-Shabaab ah

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qarax is miidaamin ahaa oo ka dhacay Muqdisho bishii Febraayo ee sanad, taas oo qeyb ka ah weerarada kordhay ee caasimadda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dishay toddobo ka mid ah kooxdii Al-Shabaab ee weerarka ku soo qaaday xarunta nabadsugidda ee Muqdisho.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa sheegay inay siideeyeen maxaabiis ku xirneyd halkaasi.

Boliiska Soomaaliya ayaa sheegay in qarax weyn uu dhacay, markaasi kaddib rasaas ay kooxda weerarka qaaday ku fureen dhismaha ciidammada sirdoonka.

Waxayn ciidamada amniga ee Soomaaliya intaasi ku dareen in dhinacooda laga dilay seddax askeri.

Weriyaha BBC ayaa sheegaya in rasaas xooggan lais dhaafsaday, wuxuuna arkay maydad goobtaasi laga gurayay.

Weerarkan ayaa dhacay iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa shalay weerar ku qaaday deegaano ay Al-shabaab maammulaan, waxayna gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah deegaanadaasi.