Rabshado ka dhacay dalka Pakistan

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Pakistan waxaa labadii usbuuc ee la soo dhaafay ka jiray dibadbaxyo ka dhan ah dowladda.

Booliska dalka Pakistan ayaa qiiqa indhaha ilmada ka keena u adeegsaday dad dhigayay dibadbaxyo ka dhan ah dowladda, kuwaasi oo isku dayay in ay xoog ku galaan guriga ra’iisalwasaare Nawaz Sharif.

Labada cusbitaal ee ugu waaweyn magaalada Islamabad ayaa BBC-da u sheegay in 264 qof ay rabshadahaasi ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira 26 askari oo ka tirsan booliska.

Muddaharaadayaasha daacadda u ah siyaasiga mucaaradka ahi ee Cimraan Khan iyo wadaadka lagu magacaabo Tahirul Qadri ayaa ka qayb qaadanahay dibadbaxayadani.

Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa doonayay in ra’iisalwasaare Nawaz uu is casilo, waxa ayna ku eedeeyeen musuqmaasuq iyo wax is-dabamarin dhanka doorashooyinka ahi.

Boolisku waxa ay sheegeen in ku dhawaad boqol qof la xiray.

Wasiir ka tirsan xukumadda Pakistan ayaa sheegay in dedaalo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka ay fashilmeen.