Dibadbaxyo weli ka socda Pakistan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption dad ka soo horjeeda dowladda Pakistan oo rabshada ku sameynaya Islamabad

Dibad baxayaasha dalka Pakistan ayaa sii wada isku dhceyada kala dhexeeya booliska gudaha caasimadda dalkaasi ee Islamabad.

Dibad baxyada ayaa ka dambeeyay rabshado xalay ka dhacay Islamabad oo ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof, ayna ku dhaawacmeen ugu yaraan 300 oo qof.

Bannaan-baxayaasha ayaa dalbanaya inuu is casilo ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan ee Nawaz Sharif.

Shalay galab, kumannaan qof ayaa isku deyay inay xoog ku galaan dhismaha uu degan yahay Ra’iisul wasaaraha iyo xarunta barlamaanka.

Weriyaha BBC-da ee Islamabad ayaa soo sheegaya inay fashilmeen wadahadallo dhex mari lahaa dowladda iyo hogaamiyayaasha dib baxayaasha.

Sidoo kale, isu soo baxyo kale ayaa looga dhawaaqay magaalada ugu weyn Pakistan ee Karachi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan