Putin oo booriyay wadahadallada Ukraine

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Bariga Ukraine waxaa ku dagaallamaya dowladda iyo mucaaradka oo donaya inay dalka ka go'aan.

Madaxweynaha dalka Ruushka Putin ayaa ku baaqay wadahadal degdeg ah oo looga hadlayo sidii dowlad ay u noqon lahaayeen gobollada bariga dalka Ukraine, taas oo qeyb ka noqoneysa wada xaajoodka lagu afjarayo dagaalka.

Mr Putin ayaa sheegay waxa uu ku tilmaamay “Danaha sharciga ah” ee dadka ku nool bariga dalka Ukraine inay waajib tahay in la difaaco.

Weriyaha BBC, ayaa sheegaya in hadalka Putin uu calaamad u yahay cadaadiska maamulka Kiev kaga imaanaya Moscow ee ah in wadahadal toos ah ay lagalaan dagaal yahaniinta taageersan Ruushka.

Hadalka Mr Putin ayaa imaanaya maalin ka hor, wadahadalada lagu qabanayo Minsk, ee u dhexeeya Ukraine, Ruushka iyo Midowga Yurub, si looga xaajoodo qalalaasaha.

Kullankaasi ayaa daba socdo digniinaha Brussels iyo Kiev ee ah in gobolkaasi uu ku dhow yahay inuu ku dhaco xaalad aan ka soo noqosho lahayn.

Madaxweynaha Ruushka ayaana si adag u cambaareeyay taageerada reer Yurub ay siiyaan dowladda Kiev.

Dhanka kale, warbaahinta Ruushka ayaa ku warramaya in Ukraine ay Ruushka ku wareejisay maxaabiis, halka Ruushkana uu kaga badashay 63 maxaabiis askar Ukraine ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan