Shabaab oo loo furay cafis 45 maalin ah

Ciidamada howgalka Midowga Afrika ee AMISOM

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday cafis muddo afartan iyo shan maalmood ah oo loo fidinayo ciddii ka tirsan ururka Al-Shabaab ee isku soo dhiibto xukuumadda.

Gollaha wasiirrada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciddii isa soo dhiibto ka hor inta aanan dhamaanin muddadan la cafin doono.

Waxay sidoo kale sheegeen in la sii wadi doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kullankaasi ayaa ku soo beegmay iyadoo ciidammada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay wadaan howlgallo ay magaalooyin muhiim kala wareegeen kooxda Shabaab.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Halkan ka dhagayso waraysiga Weriyaah BBC-da ee Muqdisho Maxamed Ibraahim Mucalimu

Dhinaca kale Mareykanka ayaa xaqiijyay weerar ay la eegteen kooxda Al-shabaab inuu ka dhacay Soomaaliya.

Saraakiisha Mareykanka, ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan in Axmed Cabdi Godane uu ku dhintay weerarka iyo in kale, balse xubnaha kooxda ayaa cadeeyay in mid ka mid ah baabuurtooda subixii Talaadada lagu dhuftay gantaal.