Hindiya oo ka hadashay khatarta Al-qaacida

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ayman Al Zawahiri

Dawladda Hindiya ayaa soo saartay digniin xagga ammaanka ah oo ku aadan dhowr gobol taas oo daba socota bayaan uu soo saaray hoggaamiyaha Ururka Alqaacida, Ayman Al Zawaahiri oo ku soo diray Fidiyow oo uu ku sheegay in uu garab Al-qaacida ah ka sameeyay dalka Hindiya.

Hay'addaha sirdoonka ayaa daraasayo fiidiyowga oo uu Al zawaahiri ku sheegay in xoogaggan cusub ay burburinayaan xuduudada,si ay u mideyaan muslimiinta Koofurta Aasiya.

Weriyaha BBC-da ee magaaladda Delhi, ayaa sheegaya marka laga gudbo in ururka Al-qaacida aysan cidi dhulka Hindiya u joogin, haddana waxaa jirto cabsi laga qabo in ururku uu isku dayayo in uu xariir la yeesho dhallinyarada muslimiinta ah ee careysan gaar ahaan kuwa ku nool gobolladda Kashmir iyo Gujaraat.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan