NATO oo ka shiraysa xaaladda Ukraine

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Shirweyne ay horay ugu yeesheen madaxda gaashaanbuurta NATO magaalada Brussels

Hogaamiyayaasha NATO ayaa qorsheynaya inay xoojiyaan difaacooda bariga Yurub, shirka ay ku leeyihiin gobolka Wales ee UK, taasi oo ah istiraatiijiyad cusub oo ay ku doonayaan inay kaga hortagaan faragalinta uu Ruushka ku hayo Ukraine.

Waxaa la filayaa inay faafaahin ka bixiyaan ciidammo qaado tallaabo degdeg oo loo sameeyo gobolka - taasi oo ay ka digayso Moscow inay halis ku tahay ammaanka qaranka Ruushka.

Arrinta kale ee walaac ku haysa hoggaamiyaashan ayaa waxay tahay khatarta ka imanaysa kooxda xagjirka ah ee isugu yeertay Dowladda Islaamiga ah iyo dilalka weriyayaasha reer galbeedka ee ay afduubteen.

12 sanno oo ay NATO ku howlanayd dalka Afghanistan, ayaa waxa soo baxaysa su'aasha ah in NATO ay awood u leedahay in ay xalliso dhibaatooyinka iyo caqabadaha haatan ka taagan dalkaasi Afghanistan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan