Daanta Galbeed oo guryo laga dhisayo

Lahaanshaha sawirka REUTERS

Israa'iil waxa ay shaacisay qandaraasyo lagu dhisayo in ka badan laba boqol iyo sideetan guri oo cusub oo laga dhisayo dhulka lahaysto ee daanta galbeed.

Balaadhinta dhismayaasha Elkana waxaa ay ansixiyeen bilawgii sanadkan.

Arintan waxa ay timid maalmo kaddib markii dawladda Israa'iil ay ku dhawaaqday in ay la wareegayaan afar boqol oo Hektar oo ah dhulka daanta galbeed, dhulkaas oo u dhaxeeya Baytu laxam iyo Khaliil oo hebron-na loo yaqaano.

Maraykanku waxa ay u soo jeediyeen Israa'iil dhaliil adag oo aan caadiyan lagu aqoonin taas oo ku aadan go'aankaasi waxayna ugu baaqeen in ay dib u eegaan.