Maraykanka oo xaqiijiyay dilka Godane

Image caption Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dilka hoggaamiyaha Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in weerar Sayruuq ay ku dishay hogaamiyaha kooxda mayalka adag ee Al-shabaab.

Hadal ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa ku tilmaamay dhimashada Axmed Cabdi Godane, jab hogaan iyo howlgaleed ee ku yimid kooxda.

Weerarka oo ay fuliyeen ciidamda gaarka ee Mareykanka ayaa ka dhacay koonfurta Soomaaliya isniintii.

Ururka Al-shabaab ayaa horay u qirtay in hogaamiyahooda uu la socday kolonyada la weeraray.

Al-shabaab ayaa la dagaalamayay dowladda Soomaaliya, waxayna ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday dukaamadii Westgate ee magaalada Nairobi kaas oo keenay dhimashada ugu yaraan lixdan qof.