Sierra Leone oo dadka loo diiday bannaanka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Cudurka Ebola ayaa waxa uu galaaftay noolasha dad badan galbeedka Afrika.

Dowladda Sierra Leone ayaa qorshaynaysa in ay soo rogto xannibaad afar maalmood ah si la isugu dayo in lagu hakiyo faafidda caabuqa dhaliya cudurka Ebola.

Dalkani ku yaala galbeedka Africa ayaa ka mid ah waddamada uu sida daran u saameeyay cudurka dilaaga ah ee Ebola

La taliyaha madaxweynaha dalkaasi ayaa sheegay in tallabadan ay u ogolaaneyso shaqaalaha caafimaadka in ay ogaadaan isla markaana ay karantiilaan bukaanno hore oo qaba cudurka Ebola, waxa uuna arrintani ku tilmaamay qaab dalkaasi Sierra Leone uu ku joojinayo faafidda cudurka si kama dambeys ah.

La taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in tiro ka badan 20 kun oo qof la hawlgelin doono si loo xaqiijiyo in dadka deegaanka ay guryahooda ku ekaadaan muddadaasi afarta maalmood ah.

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya in tallaabadani ay tahay tii ugu adkayd ee abid la qaado, haddii si xoog ah la isugu dayo in lagu hirgiliyana ay suurtagal tahay in ay ka dhashaan muddaharaadyo rabshado wata.