Dowladda oo ka digtay weerar al-shabaab

Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay weeraro aargoosi ah oo ay qaadaan Al-shabaab kaddib markii la xaqiijiyay inay dileen ciidamada Mareykanka hogaamiyahii Al-shabaab.

Wasiirka Amniga ee dowladda Soomaaliya, Khalif Ahmed Ereg, ayaa u sheegay wariyayaasha inay heleen warbixin cadeyneysa in mintidiinta Shabaab ay qorsheynayaan inay fuliyaan weeraro naf lacaarinimo ah oo ay ku qaadayaan dhismooyinka dowladda, meelaha caafimaadka iyo xarumaha waxbarashada.

Jimcihii ayey wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka xaqiijisay in duqeyn cirka ah ay isniintii ku dileen Axmed Cabdi Godane. Al-shabaab ayaa xaqiijisya geerida Godane.