Xabbad joojin laga gaaray Ukraine

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Madaxweynaha Ukraine Poroshenko oo shir jaraa'id ka hadlaya

Dowladda Ukraine iyo xoogagga gooni u goosadka ah ee taabacsan Ruushka ayaa ku heshiiyay xabad joojin lagu soo afjarayo dagaal 9 bilood ka socday Bariga Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko ayaa sheegay in hadda loo baahan yahay wadahadal siyaasadeen oo xal looga gaaro colaada Bariga Ukraine.

Mucaaradka dagaalka kula jira ciidammada Ukraine ayaa ku adkeystay in ujeedkoodu yahay in Bariga uu ka go’ dalka intiisa kale.

Dhibaatada ka taagan Bariga Ukraine ayaa la barbar dhigi karaa tii dhex martay Ruushka iyo Georgia sanadkii 2008-kii, xilligaas oo uu Ruushka ku duulay Georgia. Ruushka ayaa taageerayay maleeshiyaad ka dagaallama gobolada Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia.

Madaxweynaha Georgia, Giorgi Margvelashvili, ayaa u sheegay BBC-da laanka afka Ruushka in dowladda Ruushka aanay guul ku gaari doonin dalal kale oo ay qabsato.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ugu baaqay Ruushka in uu faraha kala baxo arrimaha Ukraine.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan