US:Ciidamo ka hortagaya cudurka Ebola

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in dalkiisa uu ka fikirayo in ciidamo uu u diro galbeedka Afrika, si ay gacan uga geystaan ladagaalanka cudurka Ebola.

Obama oo la hadlay telefishinka NBC ayaa sheegay in milatariga dalkiisa ay sameyn lahaayeen xarumo karantiil iyo gaarsiinta qalab caafimaada, iyadoo sidoo kale ciidamadaasi ay sameyn lahaayeen ilaalinta badqabka shaqaalaha caafimaadka ee ka kala imaanaya daafaha dunida.

Madaxweyne Obama ayaa waxa kale oo uu sheegay in hadii xitaa ciidamadiisa la geeyo dalalka uu cudurkan saameeyey, ay ku qaadaneyso bilooyin wax ka qabashada faafida cudurka.

Hay’ada dhakhaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF oo iyadu hormuud ka ah ka hortaga faafida cudurkan, ayaa ku celcelisay in shaqaalaha gargaarka iyo kuwa hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO aanay keligood wax ka qaban karin joojinta faafida cudurka Ebola.

MSF ayaa sheegtay in wadamada qaniga ah ay wax ka badli karaan waxa ka socda guddaha dalalka ay dhibaatadu ka taagan tahay.

Madaxweyne Obama ayaanan wax faahfaahin ah ka bixin wakhtiga ay suuragalka tahay in ciidamadiisa la geeyo galbeedka Afrika.

Laakiin waxaanan shaki ku jirin in ay tahay mid si wanaagsan loo soo dhaweyn lahaa hadii qorshe noocaas oo kala ah uu meel maro.