Aftida Scotland

Lahaanshaha sawirka Jeff J Mitchell Getty
Image caption Ololaha afida ayaa ka socota Scotland.

Iyadoo laba isbuuc ay ka dhiman tahay qabsoomida aftida Scotland ayaa wasiirka maaliyada ee Britain George Osborne, waxa uu BBC-da u sheegay awooda badan oo dhinaca canshuuraadka iyo miisaanayidaha lagu wareejin doono Scotland haddii codbixiyayaasha ay u codeeyaan in ay qeyb ka sii ahaadaan Britain.

Mr Osborne waxa uu sheegay in qorshayaashaasi shaaca laga qaadi doono maalmaha soo socdo.

Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo fikrado cusub oo dadwayne oo soo baxay uu muujinayo in codka madaxbanaanida ay noqon doonto mid aad isugu dhow.

Markii ugu horeysay ayaa fikradaha dadka waxa ay muujineysaa, in codbixiyayaasha doonaya in ay Britain ay ka goostaan ay wax yar ka badan yihiin kuwa aan doonayn inay goostaan.