Baarlamaanka Ciraaq oo kulmaya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Baarlamaanka Ciraaq

Baarlamaanka Ciraaq ayaa kulmaya si ay u ansixiyaan dowlad cusub, tallaaabo loo arko inay muhiim u tahay la dagaalanka kooxda la baxday dowladda islaamka ee IS ee qabsatay waddanka qayb.

Wariyaha BBC ayaa sheegaya in samaynta dowlad loo dhan yahay ay yaraynayso xiisada dhextaala Sunniga iyo Shiicada, ayna u ogolaan doonto Maraykanka inuu kordhiyo howlgalka milatari.

Maraykanka ayaa sharuud uga dhigay Ciraaq inay sameeyaan dowlad matasha dadka reer Ciraaq oo dhan si uu u caawiyo.

Madaxweyne Obama, ayaa sheegay inuu sheegi doono Arbacada Istartiijiyadiisa lagu jabinayo kooxda IS, taasoo ku aadan maalinta weerarkii 9/11 ee lagu qaaday Maraykanka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan