Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ciidamada Midowga Afrika ayaa bilaabay dagaal ay ka saarayaan Al Shabaab meelaha ay haysato.

Wararka ka imaanaya Soomaliya ayaa sheegaya in qarax gaari uu dilay laba iyo toban qof, in ka badan soddona ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday baabuur ciidanka Midowga Afrika. Qaraxa ayaa ka dhacay jidka u dhaxeeya Afgooye iyo Muqdisho.

Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya ayaa bilaabay howlgal milatari oo ay ugu magac dareen Badwaynta Hindiya, si ay Alshabaab uga saaraan meelaha haray waddanka ee ay haystaan.

Alshabab ayaa sheegatay weerarka ka dhacay duleedka Muqdisho, waxaana ay sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa gaari kuwa qafilan oo ay la socdeen dhawr sarkaal oo Mareykan ah.

Kolonyada AMISOM ee la weeraray waxaa sidoo kale la socday gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo sheegay inuu indhihiisa ku arkay dhimashada rayidka soo gaaray iyo dhaawacyo gaaray ciidamada midowga afrika.

Isniintii hore ayaa Maraykanka uu weerar cirka ku dilay madaxii Alshabaab, Axmed Cabi Godane, iyadoo Alshabaab ay ku hanjabeen inay aar gudan doonaan dilka hogaamiyahooda.