Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi qaraxa Muqdisho

Alshabaab ayaa sheegatay weerarka ka dhacay duleedka Muqdish oo ay ku dhinteen 12 qof, dhowr soddona ay ku dhaawacmeen. Waxaa ay sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa gaari kuwa qafilan oo ay la socdeen dhawr sarkaal oo Mareykan ah.

Kolonyada AMISOM ee la weeraray waxaa sidoo kale la socday gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo sheegay inuu indhihiisa ku arkay dhimashada rayidka soo gaaray iyo dhaawacyo gaaray ciidamada midowga afrika.

wariyaha BBC Ibrahim M Adan ayaa telefoonka ku wareystay guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Abdulkadir Siidi oo uu waydiiyey khasaaraha dhacay.