OHCHR oo ka digtay islaamiyiinta

Lahaanshaha sawirka
Image caption Zeid Ra'ad al Hussein ayaa xilka kala wareegay Navy piley.

Madaxa cusub ee hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda biniaadanka Zeid Ra'ad al Xuseen, ayaa ugu baaqay caalamka inay difaacaan dumarka, diinta iyo dadka laga tirada badan yahay ee ay beegsanayaan kooxda islaamiyiinta ee ka dagaalamaya Suuriya iyo Ciraaq.

Isagoo ka hadlaya Geneva, Mr Zeid oo ah diblomaati u dhashay dalka Urdun (Jordan), ayaa ka digay in kooxda islaamiga ee maamusha meelo ka mid ah Suuriya iyo Ciraaq ay rabaan inay sameeyaan meel aan naxariis lahayn oo dhiig badan uu ku daato aan dhiig.

Wuxuu kaloo ugu baaqay dowladda cusub ee Ciraaq iyo Ra'iisalwasaaraha inay ka fikiraan sidii ay ugu biiri lahaayeen Maxkamada Danbiyada ee Caalamiga si loo hubiyo la xisaabtan danbiyada la galay.